Khamiis 10 july 2025 {HMC} Dowladda Ingiriiska ayaa wajahaysaa hanjabaad sii kordheysa oo aan la saadaalin karin oo kaga imaanaysa Iran, waxaana lagama maarmaan ahbaa la yiri in dowladda ay qaado tallaabooyin dheeraad ah si ay uga hortagto hanjabaaddan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay guddiga sirdoonka iyo amniga ee UK.
Baaqan ayaa yimid kadib markii guddigu uu daabacay natiijooyinka baaritaan ballaaran oo lagu sameeyay dilal iyo afduubyo ay Iran ku fulisay, basaasnimo, weerarro dhanka internetka ah iyo barnaamijkeeda nukliyeerka.
Guddiga, oo kormeera hay’adaha sirdoonka ee Britain, wuxuu muujiyay walaac gaar ah oo ku saabsan “koror weyn” oo ku yimid hanjabaado loo geystay mucaaradka Iran ee ku sugan UK.
“Iran waxay halis weyn, oo joogto ah oo aan la saadaalin karin ku tahay UK, muwaadiniinta British-ka ah iyo danaha Britain,” ayuu yiri Lord Beamish, guddoomiyaha guddiga.
Guddigu wuxuu ku eedeeyay dowladda in ay xoogga saartay oo kaliya “maareynta khilaafka” iyo “xakamaynta Iran”, gaar ahaan barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo aan si buuxda loola tacaalaynin hanjabaadaha kale.
Waxay sheegeen in hanjabaadda amniga qaranka ee Iran ay u baahan tahay howl dheeraad ah iyo qorshe muddo dheer ah. “Inkastoo dhaqdhaqaaqyada Iran ay u muuqdaan kuwo aan ahayn kuwo istaraatiiji ah oo baaxad weyn leh sida kuwa Ruushka iyo Shiinaha, hadana Iran waxay khatar weyn ku tahay amniga qaranka ee UK — mana la dhayalsan karo: waa mid joogto ah, khatar ah, oo aan la saadaalin karin.”
Marka laga hadlayo hanjabaadda dadka ku nool UK, guddigu wuxuu sheegay in ay aad u korodhay xagga tirada iyo xawaaraha tan iyo bilowgii 2022.
Waxay bartilmaameedsanaysaa mucaaradka iyo dadka kale ee ka soo horjeeda nidaamka Iran, ayey yiraahdeen, iyagoo intaas ku daray in sidoo kale ay jirto khatar sii kordhaysa oo “ka dhan ah danaha ddaka Yuhuudda iyo Israa’iil ee UK.”
Warbixintu waxay xustay in ugu yaraan 15 isku day oo dil ama afduub ah lagu bartilmaameedsaday muwaadiniin British ah ama dad ku sugan UK laga soo bilaabo bilowgii 2022.
XIGASHO BBC



