Jimco 31 Jan 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa si cad u sheegay ;
“Ma jirto wax wadahadal ah oo aan ka geli doono nidaamkeenna gantaallada , cid kasta oo ku fakaraysa inay Iiraan awoodeeda hoos u dhigeyso, taasi waa riyo …
waan ka xumahay Iiraan ma awooddo riyooyinka qaar rumeyso.”
Hadalkan, waxaa looga jawaabay shuruudaha Mareykanka oo ay ku jirtay inay Iiraan meesha ka saarto gantaalladeeda.
Waa kuwan shuruudaha Mareykanka , uu ku xiray inay Iiraan fuliso, si loo joojiyo tallaabo milatari oo suragal ah ;
•Mareykanku wuxuu doonayaa in Iiraan gebi ahaanba meesha ka saarto barnaamijkeeda nukliyeerka, lana joojiyo kobcinta yuraaniyamka mustaqbalka.
• In yuraaniyamka hore loo kobciyey loo wareejiyo dal saddexaad, isla markaana kormeerayaasha caalamiga ah dib loogu oggolaado inay Iiraan ku laabtaan.
•Mareykanku wuxuu sidoo kale doonayaa in Iiraan meesha ka saarto barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer iyo kuwa ridada dhexe.
•In la reebo oo keliya gantaallada gaagaaban, kuwaas oo aan dhaafin 500 km.
•Mareykanku wuxuu shuruud ka dhigay in Iiraan joojiso taageerada ay siiso xulafadeeda gobolka,
•inay dammaanad qaaddo amniga maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, isla markaana ay Xuutiyiinta ka joojiso weerarrada ay ku qaadaan maraakiibta adeegsada Badda Cas.
•Waxaa kale oo Mareykanku dalbaday in Iiraan joojiso dhoofinta tiknoolajiyada,gaar ahaan tiknoolajiyada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, lana bixiyo dammaanad ah in aan tiknoolajiyadan loo gudbin Xisbullah, Xuutiyiinta, ama kooxaha Ciraaq.
Dhanka gudaha, Mareykanku wuxuu ka dalbaday Iiraan:
•in la joojiyo xukunnada dilka
•in la sii daayo maxaabiista siyaasadda,lana xaqiijiyo xorriyadda isticmaalka internetka.






