spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS iridka guriga Jeffrey Epstein oo la dhigay Marada Kacbada Lagu daboolo iyo...

iridka guriga Jeffrey Epstein oo la dhigay Marada Kacbada Lagu daboolo iyo Hadal Hayn xoogan oo ka dhalatay.

0
41

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Sawir la faafiyay ayaa muujinaya qayb kamid ah marada kiswada, taas oo ah marada lagu daboolo Kacbada, oo la dhigay iridka guriga Jeffrey Epstein.

Sawirka waxaa kujira ganacsadaha reer Imaaraat, ahna Guddoomiyaha Shirkadda DP World, oo gacanta ku haysa dekedo ku yaalla Soomaaliya.

Marada kiswada oo la dhigay iridda laga galo guriga waxa ku qornaa aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo ereyo barakaysan, oo ay ka mid yihiin magaca Nabi Muxammad (NNKH).

Sidoo kale, dukumiintiyo la sii daayay ayaa caddeynaya in marada kiswada laga diray Maka loona qaaday Maraykanka, iyadoo arrintan ay door muuqda ku lahayd Aziza al Ahmadi, oo ah haweeney ganacsato ah oo fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, isla markaana lagu sheegay in ay si toos ah maradaas ugu gudbisay Jeffrey Epstein.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here