Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Netanyahu ayaa caawa ku dhawaaqay in la dhisay isbahaysi difaac oo u dhaxeeya Israa’iil, Giriigga iyo Qubrus oo ujeeddadu tahay inay ka hortagaan wax uu ugu yeeray is ballaarin Turkiga , inta lagu jiray shir jaraa’id oo wadajir uu ula qabtay hoggaamiyeyaasha Giriigga iyo Qubrus.
Isagoo sii hadlaya wuxuu Netanyahu yiri; “ Waxaa ka go’an inaan difaacno mid kasta oo ka mid ah dalalkeenna, sidoo kalena inaan difaacno marinnada badda iyo arrimo kale oo wadaag ah, kuwaas oo hoos yimaada xeerarka caalamiga ah.
Waxaan rajaynaynaa in isbahaysigeenna aan la tijaabin.”






