Iskaashi Cusub oo u Biloowday Soomaaliya iyo Shiinaha.

0
21

Axad 21/Dec 2025 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si buuxda u taageeray tallaabooyinka iyo mabaadi’da caalamiga ah ee ay soo bandhigtay dowladda Shiinaha, isagoo ku tilmaamay kuwo xal waara u noqon kara caqabadaha cakiran ee haysta dunida maanta, isla markaana mudan in dalalka caalamku ay tixgeliyaan.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta Qaranka Shiinaha (CMG), ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Soomaaliya ay qayb ka tahay, si weynna u taageersan tahay nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan afarta tiir ee Beijing ay hormuudka ka tahay. Wuxuu caddeeyay in dowladdiisu ay waddo dadaallo ay ku ballaarineyso kaalinteeda kaga aaddan madal-yada caalamiga ah ee Shiinuhu hoggaamiyo.

“Dunidu way kala duwan tahay juquraafi ahaan iyo heerka horumarkaba; sidaas si la mid ah, caqabadaha waddan walba haysta waa kuwo gaar ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuuna intaas ku daray in qiimaha dhabta ah ee qorshayaashani uu ku jiro “mabaadi’da iyo hannaanka” ay xambaarsan yihiin—kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhowrista madax-bannaanida qarannimo, oggolaanshaha aragtiyada kala duwan, iyo iskaashi aan ku dhisnayn ka faa’iideysiga daciifnimada dadka kale.

Dowladda Shiinaha ayaa tan iyo sannadkii 2013 wadday aragtida ah “Dhismaha Bulsho Wadaagta Mustaqbal Mid ah,” waxayna soo bandhigtay afar hindise oo waaweyn: Tashuubka Horumarinta Caalamiga ah (2021), Amniga Caalamiga ah (2022), Ilbaxnimada Caalamiga ah (2023), iyo Hindisaha cusub ee Maamulka Caalamiga ah (2025).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka sii kordhaya ee Shiinaha ee dhex-dhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku biirtay madal ay Beijing taageerto oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dadaallada amniga iyo siyaasadda ee dalalka soo koraya. “Qaab-dhismeedkani waa mid waxtar leh, maadaama uu dal walba ka caawinayo inuu iskii u istaago,” ayuu yiri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here