Hay’adda Cuntada iyo Beeraha QM, Dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagta QM oo daahfuray Mashruuca kaydinta Biyaha Jowhar

0
92

Khamiis june, 06, 2024 (HMC)  Jowhar, Somalia, 5 June 2024 Hay’adda Cuntada iyo Beeraha QM, Dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagta QM ayaa magaalada Jowhar daahfuray Barnaamijka Kaydinta Biyaha si wax looga qabto dhibaatooyinka isbadalka cimilada loona hagaajiyo waxsoosaarka beeraha.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay bilaabidda mashruuca oo wax badan ka badali doona nolosha muwaadiniinta.

“Waxaan la dhacsanahay sida hal-abuurka leh ee barnaamijka loo qaabeeyay si loo hagaajiyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah. Haddii aan soo celino keydadkii biyaha , xalino colaadaha, aan hirgalino nidaamyada digniinaha hore, waxaan muujinaynaa sida ay nooga go’anyahay u babacdhigga isbadalka cimilada iyo yaraynta colaadaha si bulshadeenu uga wada faa’iidaysato. Hirgalinta mashruucan waa mid naga go’an maamul ahaan.”

Mashruucan ayaa ah mid ay ka qaybgalayaan bah-wadaag kala duwan islamarkaasina soconaya sanado badan iyadoo looga gol-leeyahay yaraynta fatahaadaha iyo abaaraha iyo xoojinta waxsoosaarka beeraha si loo hagaajiyo sugnaanta cuntada iyadoo loo marayo iskaashi u dhexeeya Dowladda Soomaaliya, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan QM ee FAO iyo bahwadaagteeda – Hay’adda Caalamiga ah ee socdaalka(IOM), Barnaamijka Deegaamaynta QM (UN Habitat), Hay’adda QM u qaabilsan Horumarinta Warshadaha(UNIDO), Barnaamijka Deegaanka QM oo taageero ka helaya Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho iyo taageerada la filayo ee USAID, Sanduuqa Midaysan ee Soomaaliya(SJF) iyo Sanduuqa Dhismaha Nabadda QM.

Barnaamijkan ayaa lagu wadaa in xaqiijiyo in 368 887 ruux oo ku nool shan Degmo Hirshabelle ah ay helaan biyo sidoo kalena la yareeyo halista fatahaadda ee ay wajahayaan 1.5 Milyan oo ruux iyo in la yareeyo abaarta ay wajihi karaan 1.65 Milyan oo ruux. Arrintan ayaa sidoo kale la filayaa in ay hagaajiso waxsoosaarka cuntada ayna kordhiso isku-tiirsanaanta maxaliga ah.

Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac oo goobta ka hadlay ayaa barnaamijka ku tilmaamay mid muujinaya awoodda iskaashigu u leeyahay ka hortagga baahida bini’aadanimada iyo dalka loo hoggaamiyo mustaqbal wanaagsan. “ Lahaanshaha bulshada iyo midayntu waa muhiim. Bulshadu waa in ay u aragtaa in barnaamijkan ay iyadu leedahay, dareenka lahaanshuhuna wuxuu muhiim u yahay guusha barnaamijka. Waa in aan badalnaa aragtida ah in kanaalku yahay mashruuc dowladeed, si ay dadku ugu arkaan mid ay iyagu leeyihiin. Barnaamijkani wuxuu u gogol xaarayaa hindiseyaal cusub islamarkaasna u muujinayaa deeqbixiyeyaasha fursadaha xooggan ee maalgalinta ee Soomaaliya.”

Isagoo qiraya muhiimadda barnaamijka, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye), ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan QM ee FAO xaqiijinta maalgalinta barnaamijka isagoo sidoo kalena xusay muhiimadda kaqaybgalka bulshada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Alexander Jones, oo ka mid ah Masuuliinta FAO . Wuxuu bidhaamiyay sida iskaashiga ka dhexeeya bahwadaagta kala duwan uu u xalin karo dhibaatooyin baaxad leh oo la xiriira isbadalka cimilada iyo colaadaha .

PRESS HANDOUT
Somali Deputy Prime Minister Salah Jama and Said Hussein Iid, Minister for Agriculture and Irrigation of Somalia, hold a round table discussion at the launch of JOSP, attended by Alex Jones, Director Resource Mobilization Division FAO at the State House, Jowhar, Somalia. 5 June 2024.
The Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, is an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia held at the State House, Jowhar, Somalia.
Children fill plastic containers with water from the village pump in Kalundi, Jowhar, Somalia. 4 June 2024
Haliimo Mohamed Omar, an FAO Beneficiary, prepares a meal in Kalundi, Jowhar, Somalia. 4 June 2024
Ismail Abdi Hamud, an FAO Beneficiary, sorts through a sack of grain in Kalundi, Jowhar, Somalia. 4 June 2024
Mako Hassan Abdullahi, an FAO Beneficiary, poses for a photograph in Kalundi, Jowhar, Somalia. 4 June 2024
PRESS HANDOUT
Alex Jones, Director Resource Mobilization Division FAO, as part of a three day country visit, today attended the launch event of the Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia held at the State House, Jowhar, Somalia. 5 June 2024.
PRESS HANDOUT
A drone image shows an overhead shot of the waterway and IDP camp next to the Sabuun Canal, Jowhar, Somalia. 5 June 2024
The Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, is an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia.
PRESS HANDOUT
Alex Jones, Director Resource Mobilization Division FAO, as part of a three day country visit, today attended the launch event of the Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia held at the State House, Jowhar, Somalia. 5 June 2024.
PRESS HANDOUT
Alex Jones, Director Resource Mobilization Division FAO (l) (pictured with Etienne Peterschmitt, FAO Country Director [c}), as part of a three day country visit, today attended the launch event of the Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia held at the State House, Jowhar, Somalia. 5 June 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here