Jimco 3 April 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xarrig jaray xarunta dayactirka Maraakiibta Dalkaas, waxaana uu bogaadiyay howshaan oo dalkiisa usoo jeedin doonta himilooyinka fog ee dhinaca Badda.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xaruntaan ay taageerayso sidii Dalkiisa oo dhaca Badda Cas ay ugu soo hiran lahaayeen Maraakiibta kala duwan oo halkaas ku heli doona adeegyo muhiim u ah sii jiritaankooda sida uu hadalka loo dhigay.
Xaruntaan waxa ay ku taallaa meel u dhabay marinka istaraatiijiga ah ee Baabul-Mandab, waxaana uu la jaanqaadayaa ballaarinta Jamhuuriyadda Jabuuti ee dhinaca Maalgashiga Dekedaha iyo kaabayaasha farsamo.
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa horumar ku wada kaabayaasheeda dhaqaalaha si ay u furto albaabada maalgashiga, waxaa socda qorshaha lagu hirgelinayo himilooyinka dalkaas si loo gaaro hiigsiga fog iyo kan dhow sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.



