spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Israa’iil oo dirtay dalab la xirriira heshiiska nukliyeerka Iran.

Israa’iil oo dirtay dalab la xirriira heshiiska nukliyeerka Iran.

0
15

isniin 16 Feb 2026 {HMC} Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa dalbaday in meesha laga saaro dhamaan uranium-ka la kobciyay ee Iran iyada oo qayb ka ah heshiis kasta oo laga gaaro barnaamijka nukliyeerka Texran.

Benjamin Netanyahu ayaa hadalkaan jeediyay, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Iran uu u safray Switzerland, si uu uga qayb galo wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada aan tooska ahayn ee lala yeelanayo Mareykanka.

Wadahadallada Talaadada dhacaya ayaa waxaa ka qeyb gali doona ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff iyo wiilka uu sodogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner.

Horaantii, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay, in dowladdiisu ay u furan tahay tanaasul haddii cunaqabateynta la qaado, balse aysan ka hadli doonin barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga – dalab kale oo muhiim ah oo Israa’iil ay waddo.

Netanyahu waxa uu sheegay in uu ka walwalsan yahay heshiiska Mareykanka iyo Iraan ee hubka nukliyeerka, laakiin waa in uu ku jiraa in laga saaro uranium-ka la kobciyay ee Iiraan ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here