spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Israa’iil oo duqeymo culus ka fulisay Koofurta Magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan.

Israa’iil oo duqeymo culus ka fulisay Koofurta Magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan.

0
16

Axad 23, Nov 2025 {HMC} Israa’iil ayaa gelinkii dambe ee maanta duqeymo culus ka fulisay dhismayaal dhaadheer oo ku yaalla xaafadda Dahieh ee koonfurta magaalada Beirut ee caasimadda wadanka Lubnaan.

Israaiil ayaa waxa ay sheegatay in weerarkan lagu dilay taliyihii howl gelinta ururka Xisbullah , Haytham Cali Tabatabai oo la sheegay inuu si qarsoodi ah jagadan uga shaqeynayay, si looga fogaado in la beegsado.

Weerarkan ayaa sidoo kale ka dhigan jebin rasmi ah ee xabbad-joojintii bishii November 2024 ay galeen Israa’iil iyo ururka Xisbullah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here