spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Israaiil oo ka cabsootay Masar ayaa weerartay Qadar.

Israaiil oo ka cabsootay Masar ayaa weerartay Qadar.

0
50

Jimco 12, Sep 2025 {HMC} Ka hor weerarkii Dalka Qadar waxay Israaiil qorsheynaysay inay hoggaamiyeyaasha Xamaas ku disho gudaha Dalka Masar, xilli ay u joogeen wada-xaajood la xiriira xabbad-joojinta Qasa.

Iskudayga ayaa fashiliyay kadib markii ay sirdoonka Masar ogaadeen weerarka ay damacsan tahay israaiil, waxaana isla markiiba Masar ay u hanjabtay israaiil haddii ay fuliso weerar ,inay si toos ah uga jawaabi doontaan, sida uu sheegay wargeyska Middle East Eye.

Tan iyo markii uu dhacay iskudayga israaiil waxaa Dowladda Masar howlgalisay nidaamyada difaaca ee ay ka soo iibsatay Dalka Shiinaha.

Dowladda masar ayaa waxaa sidoo kale nidaamyada difaac ay ku daabuleysaa gobolka Siinay ee xadka la leh dhulka ay Israaiil heysato.

Xogtan ayaa waxaa ay soo baxday maalin kaddib, Dowladda Masar ay si toos ah qoraal ugu diray RW Netanyahu , iyadoo u sheegay haddii ay Israaiil weerar ka fuliso gudaha Dalka Masar ,ay isla markiiba weerarri doonaan gudaha Israaiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here