Khamiis July, 10 2025 {HMC} Iyadoo uu haatan dhammaaday dagaalkii, ayaa warbixinnada warbaahintu waxay billaabeen inay daaha ka rogaan baaxadda khasaaraha ka dhashay gantaalladii ay Iiraan ku garaacday Israel intii uu socday dagaalkii bishii hore.
Raiisel Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay “guul taariikhi ah” kaddib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu iclaamiyay xabbad-joojin 23-kii Juun. Wuxuu ku tilmaamay weerarradii furitaanka inay ahaayeen guul weyn, isagoo ballanqaaday in Israel aysan “ka daali doonin” inay ka hortagto khatar kasta oo soo cusboonaata.
Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu wuxuu sidoo kale qiray in Israel uu soo gaaray khasaare culus. Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa warbixin ku sheegtay in 29 qof ay ku dhinteen 3,238 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood ay xaaladdoodu halis tahay, taasoo ka dhalatay weerarrada Iiraan.
Dagaalka ayaa sidoo kale sababay burbur ballaaran oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha, hantida, iyo dhismayaasha guud ahaan dalka. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku qiyaastay kharashka guud ee dagaalka ku baxay 10 bilyan oo shekel ($3 bilyan).
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee TheMarker, khasaaraha tooska ah ee ka dhashay weerarrada gantaallaha Iiraan ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa saddex ilaa shan bilyan oo shekel ($900 milyan ilaa $1.5 bilyan), iyadoo khasaaraha dadban la saadaalinayo inuu la mid noqon doono tiradaas.
Xog ay daabacday Maariv ayaa muujisay in in ka badan 1,000 dhisme ay waxyeelloobeen ama ay burbureen, kuwaasoo u badnaa magaalooyinka bartamaha ku yaal sida Ramat Gan, Tel Aviv, Ness Ziona, iyo Bat Yam. Burbur dheeri ah ayaa sidoo kale laga soo sheegay magaalooyinka Beersheba iyo Haifa, oo ah magaalooyinka ugu waaweyn koonfurta iyo waqooyiga Israel.
Hay’adda Canshuuraha Israel ayaa sheegtay in la gudbiyay in ka badan 46,000 oo codsi oo magdhow doon ah, kuwaasoo la xiriira khasaaraha soo gaaray guryaha, baabuurta, hantida, iyo qalabka. Sida laga soo xigtay The Times of Israel, qiyaastii 18,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda, iyadoo intooda badan dib-u-dejin loogu sameeyay hoteello ay dowladda kharashkeeda bixinayso.
Inta badan muddadii 12-ka maalmood ee uu socday dagaalka, waxaa shaqada loo oggolaa oo kaliya shaqaalaha muhiimka ah, kaddib markii wasiirka difaaca, Israel Katz, uu ku soo rogay xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah.
Khasaaraha dhaqaale wuxuu ahaa mid aad u weyn. Ururka Warshadleyda, oo ay soo xigatay majaladda Yedioth Ahronoth, ayaa ku qiyaasay in xirnaanshaha dhaqaalaha uu dalka ku kacayay qiyaastii 1.5 bilyan oo shekel maalintii ($450 milyan).






