Israa’iil oo looga digay duullaanka ay ku qaadday Gaza

0
31

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}   Xubno katirsan Mucaaradka Israa’iil ayaa Ra’iisul Wasaarahooda Benjamin Netanyahu uga digay dhibaatada ay ka dhaxli doonnaan duullaanka cusub ee Magaalada Gaza ku galeen Ciidankooda, waxa ay cabsi ka muujiyeen in awooddooda kala dhantaalanto.

Saraakiil iyo ciidamo horleh oo ku dhinta, ku dhaawacma laguna qabsan karo ayay carrabka ku dhufteen in ay dhaxalsiin karto Ciidanka Israa’iil ee haatan dul jooga xaafadaha ugu halista badan ee khasaaraha xooggiisa kasoo gaaray marka la eego dagaallada tooska ah.

Mucaaradka ayaa qaylo dhaantooda gaarsiiyay qaar kamid ah Dalalka Yurub iyo kuwa kale ee la safan, waxa ay sidoo kale walaac xooggan ka muujiyeen dhibaatooyinka aan xadidnayn ee ciidanka Israa’iil qarka u saaran yihiin.

Saraakiil katirsan ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in 40% ay gacanta ku hayaan Magaalada Gaza, waxaa dhaqangeli waayay baaqoodii ahaa in dadka degen Magaaladaas ay isaga baxaan, duqeymaha xooggan ay fulinayaan ayaa kordhiyay khasaaraha Dadka rayidka ah.

Dhulka ay marayaan Gaadiidka dagaalka ee Ciidanka Israa’iil iyo kuwa lugaynaya waxaa la sheegay in ay ka qodan yihiin godad waa weyn, halka meelaha qaar ay ku aasan yihiin Miinooyin iyo Xamaas oo ku xooggan xaafadahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here