Talado 7, Oct 2025 {HMC} Israaiil ayaa 6 milyan oo dollar ku bixinaysa in la dhiso shabakaddo internet-ka oo lagu xirayo ChatGPT, Gemini iyo Gro, oo dhammaantood ah barnaamijyo Ai ah oo loo adeegsado xog baarista , iyadoo lagu shubayo macluumaad lagu taageerrayo Israaiil.
Qorshaha wuxuu yahay in isla marka ChatGPT, la waydiiyo macluumaad la xiriira dagaalka marinka Qasa ee ay xasuuqa ka wado Israaiil, waxay noqonaysaa warbixinta aad ka heleyso mid u xaglinaysa Isra|l, halkaa oo laga saarayo wax walba oo ka dhan ah Telaabiib.
Tan oo qeyb ka ah qorshe sannadkii lagu bixinayo in ka badan 140 milyan oo dollar oo lagu doonayo in muddo la yar shan sanno laga waayo internetka macluumaad kasta oo ka dhan ah Israaiil ama la xiriira dagaalka Qasa.
Israaiil waxay howshan u xilsaartay inuu kala shaqeeyo shirkad uu leeyahay Brad Parscale, oo ahaa maamulihii hore ee ololaha doorashada ee Donald Trump, kaddib markii ay jahwareer ka wajahday dareenka caalamka gaar ahaana dalalka galbeedka oo ay ka dhaceen wax aysan horey u xisaabin oo ah kacdoon bulsho oo lagu diidayo ficillada arxan-darrada ah ee Israaiil, waxaana ka dhacay dhammaan caasimaadaha reer galbeedka isku soo baxyo aan xad lahayn oo malaayiin qof ay ka qaybgaleen, taa oo argagax ku noqotay Israaiil.
Ma jirin banananbaxyada ka dhacay Yurub, Mareykanka iyo Australia, dal Carbeed marka laga soo tago Yemen oo ay ka dhaceen , sidoo kale ma jirin shaqsiyaad caan ah oo sameeyay abaabul bulsho oo ka dhan ah Israaiil , gudaha Carabta, halka dalalka galbeedka ay ka dhacday inay soo Islaamaan boqollaal ruux oo ay ku jiraan xubno caan ah, dabcan Israaiil waxay horey u qabatay shaqo taa oo lagu aamusiyay Carabta, laakin si aysan horey u xisaabin dhibaato weyn iyo codod ka dheer Carabta ayaa ka soo baxay galbeedka , taa oo ah waxa ay hadda doonayso inay raadiso habab lagu aamusin karo.
Netanyahu, wuxuu toddobaad ka hor yiri ; “ Bambooyinka Mareykanka waxaa ka xooggan oo saameyn iyo xanuun darran leh baraha bulshada oo ay ka socdaan wax naga dhan ah.”
Halka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio oo ka mid ah shaqsiyaadka daacada u ah Israaiil uu qiray; “ Israaiil waxaa ay noqotay mid laga nacay dunidda.”
Putin ayaa isagana toddobaad ka hor yiri : “ Waxay wajahaysa Israaiil naceyb raacay xiddidada jiilka da’yarta ah, taa oo ah xaalad aan adkeysi loo yeelan karin… Waa in la dhageysto Falastiiniyiinta si arrintan looga baxo.”






