Israa’iil oo markii u horreysay shaacisay in uu bilowday xiriir ay la yeelanayaan Soomaaliya.

0
12

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Israa’iil ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu bilowday xiriir gaar ah oo ay la yeelanayaan dawladda Soomaaliya , gaar ahaan wax lagu sheegay ‘danaha ay wadaagaan’ ee la xiriira ka hortagga saameynta Xuutiyiinta ee Geeska Afrika.

Majiro hada xiriir rasmi ah oo horey Soomaaliya iyo Israa’iil u yeesheen , hadana wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Israa’iil, Sharren Haskel ayaa waraysi muuqaal ah oo ay siisay warbaahinta Israa’iil ka soo baxda ee i24NEWS, waxay ku sheegtay Soomaaliya inay tahay dal saameyn ku leh dhaqaalaha, kalluumaysiga.

Marin-biyoodka ganacsiga iyo badeecadaha caalamka ka gudba Bab al-Mandab, taana ay Soomaaliya ka dhigayso dal muhiim u ah arrimaha badda cas iyo nabadgalyada caalamka.

Xiriirkan waxaa lagu sheegay inuu ka dhashay khatarta ay Soomaaliya ka wajahayso Xuutiyiinta ee ka dhalanaysa iskaashiga ay yeelanayaan Xuutiga iyo kooxda AS, iyadoo la tixraacayo warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo lagu sheegay inuu jiro xiriir kobcaya oo u dhaxeeya AS iyo Xuutiyiinta.

Dawladda Soomaaliya horey ugama hadlin xiriirka gaarka ah ee dhex maray Muqdisho iyo Telaabiib, lamana shaacin xafiisyada ama saraakiisha xiriirkan ku metalay Soomaaliya, kaa oo ku soo aaddaya xilli ay Israa’iil ballaarinayso iskaashigeeda geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here