Israa’iil oo muwaadiniinteeda u dirtay Digniin Deg deg ah kaddib cabsi ku soo korortay.

0
35

Jimco 1, August 2025 {HMC} Sirdoonka maamulka Israa’iil , ayaa helay xogo sheegaya in ay halis la kulmi karaan muwaadiniintooda ku sugan dalal kuyaalla Bariga Dhaxe , gaar ahaan dalka Imaaraadkw oo looga digay muwaadiniinta Israa’iil in ay u safraan.

Go’aan ka soo baxay golaha amniga Israa’iil (NSC), ayaa si cad loogu sheegay inay jirto khatar amni oo ay la kulmi karaan Israa’iiliyiinta,waxaana la sheegay inuu xumaaday xiriirkii Israa’iil ay la lahayd sirdoonka Carabta , taasoo khatar dhexda u galin karta Israa’iiliyiinta.

Digniinta golaha amniga Israa’iil, waxaa kaloo lagu sheegay inay Israa’iiliyiinta ka fogaadaan inay muujiyaan inay yihiin Yuhuud, ama adeegsiga astaanta iyo calanka Israa’iil, taa oo ay sheegeen inay ku soo jiidi karto khatar.

Inta badan diblumaasiyiinta Israa’iil , ayaa so qarsoodi ah looga daadgureeyay dalka Imaaraadka iyo dalal kale oo Carbeed , kaddib cabsi laga qabo in ay la kulmaan weeraro iyo aargoosi lagu beegsanayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here