Israa’iil oo shaacisay khasaarihii ka soo gaaray weerarradii Xalay ay Iiraan ku qaadday

0
7

Axad 22 March 2026 {HMC} Adeegyada gurmadka degdega ah ee Israa’iil ayaa xaqiijiyay in qof ku dhaawacmay weerarradii gantaallada ahaa ee Iran ee shalay in uu geeriyooday.

Sida laga helay hay’adda Magen David Adom, qofka dhintay wuxuu ahaa nin da’diisu ku dhoweyd 60 jir, oo ku dhaawacmay weerarradii xalay Iiraan ku qaadday magaalooyin Israa’iil ku taalla.

MDA waxay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kooxahoodu gargaar caafimaad siiyeen 164 qof.,150 qof oo k amid ah dadkaas waxay qabaan dhaawacyo jirka ah, halka 14 qof ay jirkooda dhan ka muuqdaan dhaawacyada.

Sida ay hay’addu sheegtay, 12 qof ayaa xaalad halis ah ku jira, kuwaas oo ku dhaawacmay jajabka gantaallada iyo qaraxyada. 20 qof ayaa xaaladdoodu ka roon tahay kuwa halista ah, halka 88 qof ay qabaan dhaawacyo fudud.

MDA waxay sheegtay in tan iyo bilowgii dagaalka ay gargaar caafimaad siisay 1,576 qof.

Guud ahaan, 16 qof ayaa ku dhintay weerarrada gantaallada ee Israa’iil tan iyo markii dagaalku bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here