Arbaco18 March 2026 {HMC} Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 11 ayaa waxyar ka hor ku warramay inay Israa’iil adeegsatay qalab badan si ay ula socdaan madaxii golaha amniga Iiraan, Cali Larijani oo howlgal ka dhacday Tehran , maanta lagu dilay.
Warbixintu waxay sheegtay in Larijani uu sameeyay qalad ay Israa’iil ku tilmaantay isku kalsoonaan amni oo xad-dhaaf ah. taas oo sahashay in la ogaado halka uu joogo.
Waxaa la arkay isagoo si fagaare ah uga qeyb galaya munaasabado (sida maalinta Qudus), sidoo kalena wareysiyo siinaya warbaahinta, taas oo u sahashay sirdoonka inay si sahlan ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa.
Macluumaadka ugu muhiimsan ayaa la helay Isniintii shalay, markii la arkay isagoo galay guri qarsoodi ah.
Laakiin weerarka ayaa dib loo dhigay daqiiqaddii ugu dambeysay si loo helo xaqiijin dheeraad ah oo lagu hubinayo inuu si dhab ah ugu jiro gudaha guriga, illaa ugu dambeyn la xaqiijiyay oo maanta la fuliyay dilkiisa.



