Arbaco, 16 Jully 2025 {HMC} Israa’iil ayaa sheegtay in ay weerartay ciidamada dowladda Suuriya ee ku sugan agagaarka Suweyda, xilli ay gudaha u sii galayeen magaalada Druze oo labadii maalmood ee la soo dhaafayay ka socdeen dagaallo salka ku haya arrimo diimeed oo ay dad ku dhinteen.
Ugu yaraan 200 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka Druze iyo qabiilada Bedouin uu qarxay Axadii, sida ay ku soo warrantay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Syria (SOHR), oo fadhigeedu yahay dalka UK.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu amar ku bixiyay in la duqeeyo ciidamada ku sugan aagga Suweyda, isagoo sheegay in dowladda Suuriya “ay doonaysay inay adeegsato Druze”.
Suuriya ayaa cambaareysay faragelinta Israa’iil waxayna sheegtay in duqeymahaasi ay sababeen dhimashada xubno ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo dad rayid ah.
Waa markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda Suuriya la geeyo magaalada Suweyda tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas, Bashar al-Assad bishii December.
Bulshooyinka laga tirada badan yahay – oo ay ku jiraan Druze, oo ah faraca shiicadaislaamka oo lehaqoonsi iyo caqiidooyin gaar ah – ayaa ka shakisan dawladda ku meel gaarka ah ee Axmed al-Sharaa inkastoo uu ballanqaaday inuu ilaalinayo dadkaas.
Ilaa hadda, gobolka Suweyda waxa uu intiisa badan ku jiray gacanta maleeshiyada Druze, kuwaas oo iska caabiyay baaqyo ahaa in ay ku biiraan ciidamada ammaanka.



