Khamiis 2 April 2026 {HMC}Israa’iiliyiin ka barakacay duqaymaha Iiraan ay ku beegsanayso dhulka ay xoogga ku haystaan ayaa u gudbay dhinaca Masar iyaga oo ka tallaabaya Siinaay, waxa ay cabasho ka yihiin qiima kororka Lacagaha lagu dego Hoteellada ku yaalla Dalkaas.
Dadkaan ayaa ka baxsanaya weerarrada duqaymaha ah ee uga imaanaya Iiraan, waxaa sare u kacay lacagaha looga gudbayo dhinaca Xadka, iyada oo dhinaca Hoteelladana ay ugu sii darsameey sida uu wariyay Wargayaska lagu magacaabo Israel Haymon.
Masar ayaa kordhisay lacagta ay ku qaaddo Barta lagu magacaabo Taba oo ah meel muhiim u ah Israa’iiliyiinta ka baxaya deegaannadooda kuwaas oo doonaya in ay galaan Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ka nabdoon colaadda ka jirta Bariga Dhexe.
“Taba waxaa Dadka looga qaadaa $120 halka todobaadkii hore ay ahayd $60”* sidaasi waxaa ku warramay Wargayska Israel Haymon, waxa uu intaas ku sii daray “Khidmadda Gaadiidka lagu raacayo waa $50 halkii horay loogu raaci jiray $10”.
Kororkaan waxa ay dhalisay Carada ay muujinayaan Israa’iiliyiinta, hoteellada ku yaalla Goobaha Dalxiiska sida Sharma Al-Sheekh ayaa sidoo kale lacagtooda korortay, Wargayska ayaa xusay in arrintu u muuqato mid si gaar ah loogu beegsanayo Dadka Israa’iiliyiinta ah.
“Kala duwanaashiyo ayaa ka jira lacagaha dalxiisayaasha Israa’iiliyiinta ah, Kuwa reer Yurub ama Aasiyaanka ah ee adeegyada isku midka ah ka helaya Hoteellada” Sidaasi waxaa lagu yiri warka lagu daabacay Wargayska oo lagu muujiyay in si gaar ah Israa’iyiinta loogu kordhiyay lacagaha.
Qiimaha labada qof ee jooga Hoteellada Sharma Al-Sheekh waxaa lagu qiyaasay $721 marka ay yihiin Israa’iiliyiin halka Dalxiisayaasha kale ee ajaanibta ah ay ku baxayso $672, waxaana la sheegay in sababtu ay tahay in Milkiilayaashu ay dejistaan qiimaha Hoteelladooda.
Hoteellada Pickalbatros Aqua Blue ee ku habboon qoysaska Carruurta wata waxaa qofka Israa’iiliga ah laga qaadaa $1,900 halka Falastiiniyiinta ku nool dhulka aysan Yuhuudda haysan ku heli karaan $490 sida lagu xusay Warbixintaan uu bannaanka soo dhigay Wargayska Israel Haymon.
Mareegta Booking.com oo ah barta ay dadka ka iibsan karaan Hoteellada iyo Guryaha ay degayaan marka ay safarka galayaan ayaa sheegtay in Milkiilayaasha Hoteelladu ay dejistaan ama jaangooyaan lacagaha dadka laga qaadayo waa dhanka Masar.
“Qiimaha Hoteellada ama Guryaha waxaa go’aamiyaha Milkiiliyaasha iyaga oo ku saleeya xiliyada iyo baahida kala duwan” Sidaasi waxaa lagu xogta laga soo gudbiyay Mareegta booking.com ee lagu daray Warbixinta Wargayska.
Dad lagu qiyaasay 30,000 oo qof ayaa la sheegay in ay ka baxeen dhulka ay Israa’iil xoogga ku haysato tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya Israa’iil oo garab ka halaysa Maraykanka iyo Iiraan oo kasoo horjeedda.



