Itoobiya iyo Kenya oo ka wada hadlay fursadaha maalgashi iyo istaraatiijiyada.

0
23

Talaado 23, Dec 2025 {HMC} Dowladdaha Kenya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in ay sii wadi doonaan xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee labada dhinac iyagoo horumarinaya nabadda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Sida uu barta X ku sheegay madaxwenye William Ruto kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa.

Ruto oo la kulamy ra’iisulwsaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayeey kulanka kadib sheegeen in ay dib u xaqiijineyaan go’aanka ay wada wadaagaan ee ku aaddan xasilloonida, wadahadalka, iyo xalalka Afrikaanka ah; kuwaas oo ku qotoma beey yiraahdeen aragti midaysan oo ku saabsan is-dhexgalka dhaqaalle ee xooggan, kobaca dhijitaalka ah, iyo barwaaqada la wadaago.

William Ruto ayaa yiri “Waxa aan booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo aan wadahadallo miro dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya”

Arrimaha kale ee muhiimka ee ay ka wadahadleen ayaa ah in ay taageeraan Ethiotel iyo Safaricom si ay u sahamiyaan fursadaha maalgashi ee istaraatiijiga ah ee wadajirka ah ee suuqyada gobolka, iyadoo taageero buuxda laga helayo dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here