Arbaco 21-Jun 2026 {HMC} Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa ka dalbatay warshadda Boeing 9 diyaaradood oo ah nooca 787-9 Dreamliner ee gala safarada dhaadheer.
Itoobiyan Airline waa shirkadda hoggaamineysa gaadiidka cirka Afrika. Boeing ayaa ku dhawaaqday in codsigaas uu soo gaaray. Diyaaradaha ayaa la filayaa in la sameeyo lana soo gaarsiiyo Itoobiya inta u dhexeysa 2033-ta ilaa iyo 2034.
Itoobiyan Airline waxay sheegtay in dalabka diyaaradahan uu qeyb ka yahay qorshooyin lagu balaarinayo meelaha ay hadda adduunka ka tagto oo 145.
“Waan wadeynaa soo iibsashada diyaarado kale oo dheeri ah, waxaana isticmaaleynaa farsamada casriga taas oo qeyb ka ah qorshaheena aan ku balaarineyno adeeg duulimaad oo joogto ah”, ayuu wakaaladda wararka Reuters u sheegay Mesfin Tasewe oo madaxa shirkadda diyaaradaha Itoobiya.
Waxaa xusid mudan in shirkadda ay iibsatay 11 diyaaradood oo noocoodu yahay Boeing Max 737 dhowr bilood ka hor intii lagu jiray bandhiggii caalamiga Dubai.
Shirkadda diyaaradaha Itoobiya, oo kaalinta koowaad ka gashay qaarada Afrika dhowr sano oo isku xiga, ayaa hadda sii kordhineysa meelaha ay tagto.
Toddobaadka ka hor ayey bilaabatay shaqada garoon lagu sheegay in uu yahay kan ugu weyn Afrika. Garoonkaas ayaa magaalada Addis Ababa u jira ku dhawaad 40 kiilomitir.



