isniin 23 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Booliska Qaranka Jabuuti ayaa ku dhawaaqay in 45 qof lagu soo qabtay howl-gallo amni oo ka dhan ah dambiyo ay ka mid yihiin ka ganacsiga daroogada, kuwaas oo ka dhacay caasimadda Jabuuti maalmahan u dambeeyay.
Howl-galladan, oo lagu tilmaamay kuwo bartilmaameed ah , ayaa ka dhacay waddada 13 iyo degmooyinka 1-aad ilaa 5-aad ee magaalada, kuwaas oo ciidamada ammaanku ku sheegeen goobo u nugul ka ganacsiga daroogada iyo dambiyada yaryar.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Booliska, howl-galladu waxay isugu jireen burburinta goobaha lagu iibiyo maandooriyaha, hubinta aqoonsiyada, iyo qabashada dad la raadinayay ama looga shakiyay falal dambiyeed.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dadka la xiray ay gaareyso 45 qof. Mid ka mid ah dadka la qabtay ayaa lagu sheegay inuu yahay ka ganacsade daroogo, kaas oo loo taxaabay xabsiga madaniga ah ee Gabode, kaddib markii lagu soo rogay amar xabsi. Dadka kale ee la xiray ayaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwado la xiriira dambiyada lagu eedeeyay.
Booliska Qaranka Jabuuti ayaa xusay in qof kasta oo loo xiro isticmaalka daroogada si toos ah loo horgeyn doono Xeer-ilaaliyaha dalka, isla markaana uu wajihi karo xabsi gaaraya hal sano, sida uu dhigayo sharciga dalka. Ganacsatada daroogada ayaa iyaguna wajahaya ciqaab gaari karta ilaa 10 sano oo xabsi ah.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in howl-galladan lagu wado in si tartiib tartiib ah loogu ballaariyo dhammaan degmooyinka caasimadda maalmaha soo socda. Waxay sidoo kale bulshada ugu baaqeen inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana soo gudbiyaan wixii dhaqdhaqaaq shaki leh oo khatar ku ah amniga guud.
Howl-galladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda Jabuuti ku xoojinayso sugidda amniga iyo la-dagaallanka dambiyada, iyadoo la doonayo in la adkeeyo kala dambeynta iyo badqabka bulshada ku nool caasimadda.






