Jabuuti oo ciidan oo uso diraysa Soomaaliya .

0
3

Sabti 14 March 2026 {HMC}  Dowladda Jabuuti ayaa Guutada 13-aad ee “Hiil-Walaal” oo ka tirsan ciidamadeeda qalabka sida u soo diraysa Soomaaliya, si ay uga qayb qaadato hawlgalka taageerada nabadda. Waxaa la filayaa in ciidamadan ay dalka soo gaaraan 16-ka Maarso.

Guutada 13aad ayaa beddeli doonta guutadii 12-aad ee hore uga howl-geli jirtay Soomaaliya, waxaana la filayaa inay ka qayb qaadato howlaha amniga iyo dadaallada xasilinta meelo kala duwan, gaar ahaan maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti, Jeneraal Zakariya Sheekh Ibraahim, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xerada tababarka “Cali Cowni” ee gobolka Carta, halkaas oo uu kula kulmay askarta guutada iyo saraakiishooda.

Booqashadan ayaa ujeeddadeedu ahayd qiimeynta heerka diyaargarowga ciidanka iyo sida ay ugu diyaar garoobeen hawsha la filayo inay ka fuliyaan Soomaaliya.

Jeneraal Zakariya ayaa ku boorriyay ciidamada inay muujiyaan anshax, midnimo iyo xirfad, isagoo xusay inay matalayaan dowladda Jabuuti isla markaana ay door muhiim ah ka qaadan doonaan taageeridda amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti waxay ka mid yihiin kuwa gobolka ee ku jira hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), waxaana ay sanado badan ku sugnaayeen magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Jalalaqsi iyo Buulo-Burde, iyagoo ka qayb qaata ilaalinta amniga, taageeridda xasiloonida iyo difaaca shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here