Axad 11 Jun 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa si cad u sheegay inay ka hortageen dalal rabay inay aqoonsadaan Somaliland isla maalintii ku xigtay tan Israa’iil.
Arrintaasna waxaa lagu guuleystay ayuu yiri kadib dadaal ay bixiyeen Turkiga, Sacuudiga, iyo Masar.
Mahad Alle, waxaan qaadannay tallaabooyinkeenna. Waxaan si xawaare sare ah u bilownay xiriirro diblomaasiyadeed. Mar kale, anagoo ah dunida Islaamka iyo dalalka gobolka, waxaan horumarinay iskaashi. Sidoo kale, isla markiiba waxaan la xaajoonnay dalalka reer Galbeedka. Waxaan sameynay dadaal culus si aan u hubinno in uusan jirin dal kale oo aqoonsada. Sidaas darteed, mahad Alle, midna kama mid ahayn dalalkii la filayay inay maalinta koowaad aqoonsadaan oo sameeyay arrintaas. Rajadeydu waa in aysan mustaqbalkana aqoonsan”. ayuu yiri Fidan.
Jabuuti ayaa dhowaan waxaa la filayaa inay Baasboorada diblomaasiga ee kala laabato liis xubno ka tirsan maamulka Somaliland iyo kuwa kale oo hore xilal kaga soo qabtay Somaliland.
Tallaabadan ay qaadi doonto dowladda Jabuuti ayaa barbar socota xiriirka sii xumaaday ee dhinacyada Jabuuti iyo Somaliland.
Tan iyo markii Jabuuti ay dhawaan ceyrisay xubnihii diblomaasiyiinta Somaliland u joogay dalka Jabuuti, halka wakiilkii Jabuuti u fadhiyay magaalada Hargeysa loo yeeray, iyadoo dhinaca kale hakisay xafiiskii Somaliland ka furan lahayd isla markaana ku saabsanaa siyaasadda iyo xiriirka.
Jabuuti ayaa si cad u sheegtay in ay taageersan tahay qaranimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana kasoo horjeedo heshiiskii Aqoonsiga lagu sheegay ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Somaliland.






