Sabti 22, Nov 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha wadanka Japan, Sanae Takaichi ayaa maalmaho ka hor ku hanjabtay in weerar kasta oo Shiinuhu ku qaado Taiwan loo tixgelin doono mid khatar ku ah amniga qaranka Japan, taas oo micnaheedu yahay in Japan ay adeegsan doonto awood militari oo ka dhan ah Shiinaha.
Si hadalladan looga jawaabo , wuxuu Shiinaha go’aansaday iyadoo aan wax hadal ah lagu falcelin in Japan la tuso awoodda Shiinaha , waxayna warbaahinta Shiinaha bilowday inay sii deyso 24 saac kasta muuqaal muujinaya awoodda militari ee Shiinaha , waxaana laga dhex maqlaya ; “ Kuwan maxay yihiin!“ Waa wax u dhigma , haddii cid kasta inoo hanjabi karto, maxay hubkani inoo qabanayaan.






