Kamala Harris oo xulatay qofka u noqon doona ku xigeen dorrashada soo aaddan

0
63

Talaado 06 August, 2024 {HMC} Kamala Harris ayaa la soo werinayaa in ay Tim Walz u xulatay in uu noqdo ku xigeenkeeda madaxweyne ee doorashada soo aadda. Haddaba waa kuma ninkan inkasta aanay weli samayn magacaabistii rasmiga ahayd.

Tim Walz oo lagu tilmaamo in uu yahay Dimuraaddi la tijaabiyey, kaas oo 12 sano ka tirsanaa Congress-ka ka hor inta uusan noqon guddoomiyaha Minnesota 2018.

Waxa uu sumcad ku helay istiraatijiyaddii uu ugu yeedhay Donald Trump iyo JD Vance “dad yaab leh”.

Weedha ayaa qabsatay tiro ka mid ah Dimuqraadiyiinta – oo uu ku jirto Kamala Harris, kuwaas oo dib u isticmaalay.

60-jirkan ayaa Minnesota ku hogaamiyay mudaaharaadyadii 2020 ee ka dhashay dilkii George Floyd ee Minneapolis.

Waxa uu hawl galiyay ciidamada qaranka si ay uga qayb qaataan daminta rabshado ka dhashay mudaharaadyada.

Mr Walz waxa uu in ka badan 20 sano ka tirsanaa Ciidanka Qaranka, waxa uu soo noqdaye macallin dugsi sare waxa uu sidoo kale ku soo shaqeeyay kaaliye tababare kubadeed.

Minnesota ma aha gobollada aad la isku hirdiyayo, laakiin waxay u noqon doontaa cod qiimo leh Harris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here