spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Kenya oo saldhigyo milatari ka dhisaysa xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya oo saldhigyo milatari ka dhisaysa xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

0
14

Sabti  14 Feb 2026 {HMC} Dowladda Kenya ayaa shaacisay qorshe ay in ka badan 12,000 acre oo dhul ah ugu qoondeyneyso Ciidamada Difaaca Kenya si loogu dhiso xerooyin ciidan iyo goobo tababar oo cusub, kuwaas oo laga hirgelin doono is­maamulka Mandera gaar ahaan xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddiga Qaranka Dhulka ee Kenya (National Land Commission) ayaa ku dhawaaqay, warqad rasmi ah oo lagu daabacay warsidaha dowladda (Gazette), in la soo saaray amar dhul-ilaalin (reservation order) oo dhigaya in 12,072 acre oo dhul ah lagu wareejiyo Wasaaradda Difaaca (Ministry of Defence Kenya).

Amarkan oo lagu soo saaray iyadoo la raacayo Xeerka Dhulka (Land Act) iyo Xeerka Diiwaangelinta Dhulka (Land Registration Act), ayaa Wasaaradda Difaaca siinaya mas’uuliyadda daryeelka, maamulidda iyo ilaalinta dhulka loo yaqaan L.R. No. 33285, xilli ay dowladdu qorsheyneyso dib u furista xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Sida ku cad shuruudaha amarka, dhulkaasi waxaa loo adeegsan karaa oo keliya ujeeddooyin ciidan, mana bannaana in wasaaraddu wareejiso ama cid kale u oggolaato isticmaalka qayb ka mid ah dhulkaas, haddii aan oggolaansho qoraal ah laga helin Guddiga Qaranka Dhulka.

Sidoo kale, Ciidamada Difaaca Kenya, iyagoo hoos imanaya Wasaaradda Difaaca, ayaa lagu amray inay diyaariyaan qorshe faahfaahsan oo isticmaalka iyo maareynta dhulka ah muddo 180 maalmood gudahood, kaas oo ay u gudbin doonaan Guddiga Qaranka Dhulka. Qorshahan waa inuu waafaqsanaadaa shuruucda qorsheynta dhulka, qiyamka dastuuriga ah, isla markaana uu tixgelinayo arrimaha deegaanka, hidaha, iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.

Si loo ilaaliyo danaha bulshooyinka deegaanka ku nool, qorshuhu waa inuu sidoo kale nidaamiyaa marin u helidda dhul-daaqsimeedka, meelaha cusbada xoolaha, iyo goobaha biyaha xoolaha, isla markaana uu xaqiijiyaa ilaalinta marinnada duur-joogta si loo yareeyo iska hor imaadyada u dhexeeya dadka iyo xayawaanka.

Intaa waxaa dheer, ka hor inta aan la bilaabin mashruucyo waaweyn oo dhisme ah, Wasaaradda Difaaca waxaa laga doonayaa inay sameyso Qiimeynta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada (ESIA), iyadoo la raacayo Xeerka Maareynta iyo Isku-duwidda Deegaanka ee 1999.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here