Taado 05 August 2025 {HMC}Waxaa socda baaris lagu ogaanayo inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha Hanti ee ka dhashay Dabka saacadaha badan gubayay Suuq Bacaad oo ugu dambeyn xalay waqti dambe lagu guuleystay in la damiyo.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax ayaa tilmaamay in dabkaas uu ka dhashay korontada dishay halka Gabar ee geerideeda la xaqiijiyay, waxa uu u tacsiyeeyay ehelkeeda isaga oo xaqiijiyay in aanay jirin qof kale oo waxyeello kasoo gaartay.
Ibraahim Muuse oo kamid ah Ganacsatada Suuq Bacaad ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ka gubteen saddex caro iyo Dukaamo kale oo Hooyadiis lahayd, taasi waxa ay muujineysa xadda khasaaraha xooggan ee gaaray ee Qoyskaas.
Kooxaha Dab damiska ayaa isku dayay in ay xakameeyaan dabkaas si uusan ugu faafin qaybaha kala duwan ee Suuq Bacaad maadaama dabayl ay socotay, waxa ay xooggooda isugu geeyeen sidii loo damin lahaa oo ugu dambayn u suuragashay.
Maanta ayaa lagu wadaa in loo xilsaaro guddi ka kooban Ganacsatada Suuq Bacaad si loo qiimeeyo khasaaraha hantida ku gubatay suuqaas, xubnaha guddigaan ayaa la kulmi doonna dadka leh goobahaas gubtay.
La soco wixii kasoo kordha






