Khasaare xooggan oo ka dhashay weerar ay Iiraan ku qaaday Israa’iil.

0
7

Axad 21 March 2026 {HMC}  Axad, gantaal ay Iran ridday ayaa ku dhacay Arad, oo ah magaalo yar oo ku taalla koonfurta Israa’iil, kadib markii nidaamyada difaaca hawadu ay ku guuldareysteen inay qabtaan gantaalka. Adeegyada gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in 88 qof la geeyay isbitaallada kadib weerarka, iyadoo 10 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Tobannaan kale oo qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Dimona ee koonfurta Israa’iil, oo qiyaastii 13 km u jirta xarun nukliyeer ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay dhacdadan “fiid aad u adag” oo dalka soo maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here