Isniin 30 March 2026 {HMC} Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada.
Dhakhtar ka tirsan Cisbitaalka Guud ee gobolka Bay oo diiday in magaciisa la sheego ayaa BBC-da u sheegay in 25 qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray xabado iyo walxa qarxa la geeyay cisbitaalka, 5 kamid ah dhaawacyada la geeyay cisbitaalka ayaa qaba dhawaacyo halis ah.
Sidoo kale waxa Isbitaalka la geeyay labo qof oo mayda oo xabado ku dhaceen.
Illaa hadda tirkoob sax ah lagama soo saarin khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada baydhabo.
Dhanka kale, shalay qoraal uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya Mr. George Conway ayaa lagu sheegay in xiisadaha iyo iska horimaadyada dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay barakiciyeen ku dhowaad 45,000 oo qof, iyadoo qoysaska ay ku qasbeen inay u qaxaan goobo ay aad ugu yar yihiin adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.
“Waxaan ka walaacsanahay in dadka ay saameysay ay ku jiraan dadka ugu nugul—kuwaas oo boqolkiiba 30 ay markii horeba ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha—isla markaana horey ula tacaalayay saameynta isbiirsaday ee abaaraha ba’an. Gaar ahaan, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dhowaan barakacay ayaa hadda wajahaya khataro xagga badbaadada ah iyo xaalado bini’aadantinimo oo ka sii daraya oo ka jira hareeraha magaalada Baydhabo.
Waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhinacyada inay dhowraan waajibaadka ka saaran ilaalinta dadka rayidka ah, xaqiijiyaan dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, oo ay dammaanad qaadaan marin bini’aadantinimo oo ammaan ah, joogto ah, oo aan la huri karin oo la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
XIGASHO BBC



