spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Kheyre iyo Rooble oo ayaa si adag u dhaliilay Madaxweynaha ...

Kheyre iyo Rooble oo ayaa si adag u dhaliilay Madaxweynaha DFS.

0
9

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC}   Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u dhaliilay hannaanka ay Xukuumadda Federaalka ku wado arrimaha dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in muddada kooban ee ka harsan muddo-xileedka dowladda aysan suurtagal ka dhigi karin xalinta arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Kheyre ayaa sheegay in saddexda bilood iyo saddexda maalmood ee ka haray muddada xil-heynta xukuumadda aan lagu dhammeystiri karin Dastuur Soomaaliyeed, aan lagu xallin karin midnimada ummadda, aan looga adkaan karin argagixisada, isla markaana aan gargaar waara lagu gaarsiin karin malaayiinta ay abaaruhu saameeyeen.

“Muddo intaas le’eg laguma dhisi karo Dastuur, laguma mideyn karo ummad kala aragti duwan, lagumana difaaci karo dowladnimada Soomaaliyeed haddii aan heshiis laga ahayn hannaanka dowladnimo iyo maareynta xilliga kala guurka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu xusay in waqtiga kooban ee harsan kaliya looga faa’iideysan karo in la isla meel dhigo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan hor leh.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna si cad u muujiyay walaac la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga doonayo inuu xaaladda dejiyo, dhexda soo dhigo, kana shaqeeyo isu-soo-dhowaansho ku dhisan walaaltinimo iyo ehelnimo Soomaaliyeed.

Rooble ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka tanaasulo arrimaha uu marmarsiiyo uga dhiganayo khilaafaadka jira, isla markaana uu si degdeg ah u joojiyo wax-ka-beddelka Dastuurka oo aan lagu heshiin.

Hadallada labada Ra’iisul Wasaare hore ayaa imanaya xilli uu dalka wajahayo muran siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan arrimaha la xiriira Dastuurka, doorashooyinka iyo jihada hoggaanka dalka, kuwaas oo sababay kala shaki siyaasadeed iyo walaac ballaaran oo ka dhex jira siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here