Khilaaf gudaha ah oo soo kala dhex galay Ururka Taalibaan.

0
30

Jimco 16 jun 2026 {HMC} Baaritaan ay samaysay BBC ayaa muujinaya in khilaaf gudaha ah uu ka dhex taagan yahay ururka Taalibaan, kaas oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ad-adag ee Kandahaar iyo kuwa Kaabuul jooga ee doonaya dabacsanaan.

Cod sir ah oo la faafiyay ayaa muujinaya hoggaamiyaha ugu sarreeya Taalibaan, Hibatullah Akhundzada, oo ka digaya in kala-qaybsanaanta gudaha ay keeni karto burburka maamulka Taalibaan. Inkastoo Taalibaan ay si rasmi ah u beeniyeen jiritaanka khilaaf, haddana BBC waxay sheegtay in ay si cad u aragtay laba dhinac oo iska soo horjeeda;

•Garabka Kandahaar wuxuu ku adkeysanayaa xukun aad u adag, go’doomin caalami ah, iyo in aan wax dabacsanaan ah la sameyn. Dhanka kale, garab ku sugan Kaabuul ayaa aaminsan in Taalibaana ay u baahan yihiin xiriir xaddidan oo caalami ah, xasillooni dhaqaale, iyo in wax yar la fududeeyo xannibaadaha, gaar ahaan kuwa la saaray waxbarashada gabdhaha.

Khilaafkan ayaa si cad u soo baxay bishii September 2025, markii Akhundzada uu amray in internet-ka Afgaanistaan oo dhan la xiro. Amarkaas ayaa markii dambe laga noqday, kaddib markii ay si wadajir ah uga horyimaadeen mas’uuliyiin sare oo Taalibaan ah, oo ay ka mid yihiin Sirajuddin Haqqani, Abdul Ghani Baradar iyo Mohammad Yaqoob Mujahid.

Tani waxay ahayd dhacdo aad u naadir ah, maadaama ay ka hor yimaadeen amar si toos ah uga yimid hoggaamiyaha ugu sarreeya. Warbixintu waxay sheegtay khilaafkan inuu yahay imtixaanka ugu adag ee Taalibaan ay marayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here