Khilaaf Ka taagan xilka qaadistii Qoor Qoor uu kusameyay Guddoomiyihii Degmada Xarardheere

0
107

Arbaco 28, August 2024 {HMC} – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bedelay guddoomiyihii degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye, balse khilaaf culus ayaa ka dhashay xil ka qaadistaa, kadib markii uu ka horyimid guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta wuxuuna sheegay in qorshaha Axmed Qoor Qoor uusan ka soca doonin degmada Xarardheere, isla markaana ay la dagaalami doonaan ciidamada uu soo diray.

Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyahaan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa.

Qoor Qoor ayaa soo magacaabay guddoomiye cusub, wuxuuna soo siiyey afar Gaadiidka Dagaalka iyo ciidan Si uu Xoog ugu Galo Xarardheere, balse Ciidan Beeleed ayaa Wisil ku celisay ciidankii Qoor Qoor soo diray, kuwaas oo u gudbi waayey Xarardheere Sida Wararku Sheegayaan.

Ciidamada deegaanka, saraakiisha hoggaamisa iyo odayaasha dhaqanka degmadaas ayaa ku soo baxay khilaafkaan, waxayna jidgooyo dhigteen degmada Wisil, halkaas ayaa lagu galay wadahadal aan laga gaarin wax natiijo ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Sidoo kale gudaha degmada Xarardheere waxaa ka taagan khilaaf culus oo qarka u saaran gacan ka hadal, beelaha qaar ayaa isku hub aruursanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here