Axad, 26,October 2025 {HMC}Khubarro Militari oo ka socda Dalka Masar ayaa kormeeray xeryaha loogu talagalay in la dejiyo ciidanka ka socda dalkaas ee qaybta ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AUSSOM.
Waxa ay sheegeen in la diyaariyay ciidamada ka socda dalkaas ee ku biiraya howlgalkaan AUSSOM iyaga oo raacaya shuruucda nabad ilaalinta ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika.
Jamhuuriyadda Carabta Masar ayaa horay u sheegtay in ay diyaarisay qayb kamid ah ciidankaas oo tababar loosoo xiray, weli si dhab ah Xukuumadda Qaahira ma aysan sheegin xiliga ay ciidamadaan imaanaya Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Bishii April ee sanadkaan waxa uu ansixiyay in Masar ay qayb ka noqoto howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, waxaa loo ogolaaday 1,100 askari oo sida ugu dhaqsiyadaha badan loo geynayo Soomaaliya.



