Khudbadii Hogaamiyaha Iran Aayatullah Cali Khamenei.

0
40
Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran ayaa khudbad u jeediyay shacabka – fariintii ugu horeysay ee muuqaal ah tan iyo markii Mareykanka uu weeraray, iyo xabad joojinta Iran ay la gashay Israel.
Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in tallaabada milatariga Maraykanku aysan marnaba ku saabsanayn arrimaha Nukliyeerka ama tayeynta Nukliyeerka – balse ay ku saabsanayd “is dhiibid”.
“Maalin waxay ku saabsan tahay xuquuqda aadanaha, maalin kalena waxay ku saabsan tahay xuquuqda haweenka, ka dibna waxay ku saabsan tahay arrinta nukliyeerka, ka dibna waxay oranayaan gantaalaha,” ayuu yii.
Waxaa uu intaa ku daray in sida dhabta ah xudunta arrintu ay tahay in had iyo jeer ay doonayaan hal shay: waxay rabaan Iran inay is dhiibto.
Ayatullah Khamenei oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shacabka Iran ay muujiyeen midnimadooda – isagoo diray fariin ah in “dadkeena ay yihiin hal cod”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here