Koofur Galbeed oo Sh/hoose ka Bilaawday Dardar gilinta Dagaalka ka dhanka ah AS.

0
27

Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Faqi, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najah) iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dhiirrigelinta iyo dardargelinta ciidamada Qalabka sida iyo kuwa saaxibada Soomaaliya ee ku sugan jiidaha hore, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay dagaallo culus kula jiray Khawaarijta.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ballanqaaday in Dowlada Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan ah ee ciidamada.

Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la yeeshay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka socda degmada Awdhiigle, halkaas oo laga warbixiyay xaaladda dagaalka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha taagan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najah), ayaa dhankiisa xusay in shacabka deegaanka ay garab taagan yihiin ciidamada, isla markaana ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabad ku soo dabaalidda gobolka.

Booqashada wafdigan ayaa imaneysa xilli howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Dowlada Koonfur Galbeed uu sheegay in uu ka go’an yahay ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here