Arcaco, 28, Oct 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in ay la xisaabtamayso Dadka hurinaya colaadaha Beelaha kuwaas oo doonaya in ay si socdaan dagaallada iyo dilalka kale ee aanooyinka la xiriira ee loo gaysanayo Dadka birimageeda ah sida hadalka loo dhigay.
Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa u istaagay sidii la isugu keenni lahaa Odoyaasha dhaqanka si looga hadlo xal u helista colaadda u dhaxaysa beelaha dagaalamay.
Waxa ay digniin u direen Dad ay sheegeen in ay bannaanka ka joogaan goobaha dagaalladu saameeyeen balse sii hurinaya colaadda, Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku hanjabtay in dadkaas ay gacan adag ku qaban doonto.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & Dib u heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in heshiis hordhac ah laga gaaray isku dhac dhexmaray beelo Maleeshiyaadkooda ku dagaalamay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in ay ku howlan tahay dabagalka Dadka ka shaqaynaya iska hor keenista Beelaha Walaalaha ah, waxa ay u digtay shakhsiyaadka sida khaldan Bulshada isaga hor keennayo sida ay hadalka u dhigtay.






