Jimco 10 April 2026 {HMC} Xubno katirsan Xisbullaah oo ka jawaabaya duqaymaha ay ku qaadeen ciidanka Israa’iil ayaa weerar dhulka ah ku beegsatay askarta Yuhuudda ah ee sida sharci darrada ah ku jooga qaybo kamid ah dhulka dalka Lubnaan.
Dhowr gantaal iyo hub culus oo ay adeegsanayeen ciidamo dhulka ku socday ayaa sidii roobka oo kale ugu hoobtay ciidamada Israa’iil oo ugu dambayn khasaara xooggan uu kasoo gaaray dagaalkaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Ciidamada Israa’iil ayaa dib uga baxay xerada ay ku sugnaayeen si ay u yareen khasaaraha kasoo gaari kara weerarka lagu beegsaday Saldhiggooda sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo katirsan saraakiisha ciidanka Yuhuudda.



