Jimc, 17 Oct 2025 {HMC} Wargeyska Israaiil ka soo baxa ee Jerusalem Post , ayaa ku warramay inay Israaiil ka hor istaagtay kooxaha samatabbixinta Turkiga inay galaan Qasa,iyadoo sheegtay in aan loo oggolaan doonin gelitaanka ilaa ay Xamaas ku wareejiso dhammaan meydadka maxaabiistii ay hayso ama kuwa ay awooddo inay hesho.
Warbixintan ayaa intaas ku dartay in xayiraaddaas la sii wadi doono, ayna kooxda Turkiga oo ka kooban 81 qof iyo qalab culus oo samatabbixin ah aan loo oggolaan doonin inay galaan dhulka Qasa, ilaa shuruudaha la fuliyo.
Kooxahan Turkiga , waxaa qorshahoodu yahay inay gacan ka geystaan soo saarista meydadka dhulka burbursan jira oo aysan Xamaas heysan qalab ay ku gaarto, balse Israaiil oo arrintaa ka dhiganaysa cududaar ay dib dagaal ugu billaabi karto, ma ay doonayso inay ciddi gacan ka siiso Xamaas soo saarista meydadka. Waxayna hor dhigtay shuruudo ay caqabado horyaalaan.






