Kooxda AS oo Xalad Adag gilisay Magaalada Jowhar.

0
41

Axad 23, Nov 2025 {HMC} Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha dhaxe ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay tallaabo ay qaadeen Al-Shabaab oo xayiraad saartay gaadiidkii shidaalka gayn jiray gudaha magaaladaasi.

 

Arrntan ayaa keentay in sare u kac laga dareemayo qiimaha shidaalka ee suuqyada
Jowhar, waxayna saameyn ku yeelatay darawallada gaadiidleyda ee ka howlgala
magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xanibeen gaadiidkii shidaalka gayn jiray
halkaasi, kuwaas oo ka bixi jiray caasimada Muqdisho, balse haatan culeys kala kulmay
kooxda.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale lacago dheeraad ah kusoo rogay gaadiidka oo ay u galeen
waddada, sida ay ku warrameen qaar kamid ah darawallada kaxeeya baabuurta Jowhar.

Sidoo kale, wadayaasha ayaa ku dooday in arrintan ay saameyn ku yeelatay shaqadooda,
maadaama shidaalka qaali u noqday, shaqadoodina ay sidaas ku istaagtay.

Waxaa kale oo ay intaas ku dareen, haddii ay ka shaqeyn lahaayeen gudaha magaalada oo
kaliya in uusan ku filneen qarashka ay helayaan, maadaama uu sare u kacay shidaalka.

Shacabka ayaa sidoo kale dareemay culeyskan, maadaama ay yaraadeen gaadiidkii ka
shaqeynayay magaalada Jowhar ee caasimaa dowlad-goboleedka HirShabelle iyo
deegaannada kale, sida Mahadaay iyo qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle oo ku aadan
cabashada kasoo yeereysa shacabka ee ka dhalatay xanibaadda ay saartay Al-Shabaab.

Horay maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyay deegaanno dhow
caasimada Jowhar, maadaama ay dib u qasadeen goobo horay looga xoreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here