Kooxda Daacish oo shaacisay inay 50 xubnood oo ka tirsan Al.Shabaab

0
89

Axad-21-April-2024 {HMC} Ururka Daacish ayaa sheegatay in dagaal yahanadooda ay weerarro ku qaadeen xarumaha kooxda Al.shabaab ee gudaha Soomaaliya, ayna ku dileen in ka badan 50 xubnood oo ay ku jiraan taliyayaal muhiim ah.

Warbixin lagu daabacay majaladda caalamiga ah ee Al_Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu qoray warkaan.

Kooxda Daacish waxay sheegtay inay Alshabaab kala wareegeen degaano cusub oo dhaca buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari Puntland isla markaana ay kaga furteen hub iyo rasaas kala duwan.

Daacish waxay  xustay in weeraradan ay dhaceen intii lagu jiray bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo dhamnmadka bishii Shacbaan.

“Ciidamo ka tirsan kuwa khaliifada ayaa ku sugan mid ka mid ah goobaha ay maamulayeen maleyshiyaadka Shabaab, halkaas oo ay wadaan ololaha ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish.

Daacish iyo Alshabaab ayaa xarumo qarsoodi ah ku leh degaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, waxayna labada koox isku haystaan  awoodda maamul ee buuralayda gobolka Bari.

Labada koox ayaa mid walba lacago baad ah oo ay ugu magac dareen Sakawaad ka qaada xarumaha ganacsiga ee gobolka Bari. Xarumo  diiday lacagahaas ayaa la bartilmaameedsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here