Ku dhowaad 50 qof oo ku geeriyooday xeebaha Liibiya.

0
19

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Afartan iyo laba qof ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay, ka dib markii doon siday muhaajiriin ay ku degtay xeebaha Liibiya.

Toddoba qof ayaa la badbaadiyey, kadib lix maalmood oo ay ku dhex lumeen badda.

Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM), inta badan dadka doonta saarnaa ayaa u dhashay dalalka Suudaan, halka kuwa kalena ay ka yimaadeen Soomaaliya, Kameruun, iyo Nayjeeriya.

Waxaa la badbaadiyay kaliya toddobo nin – afar ka yimid Sudan, laba ka socotay Nigeria, iyo mid ka yimid Cameroon. Nasiib darro, 42 qof ayaa weli maqan waxaana loo malaynayaa inay dhinteen, kuwaas oo ay ku jiraan 29 ka yimid Sudan, siddeed ka soo jeeda Soomaaliya, saddex ka yimid Cameroon, iyo laba ka yimid Nigeria.

Sida ay sheegeen dadkii ka badbaaday, doonta, oo siday 49 qof oo tahriibayaal iyo qaxooti ah (47 rag ah iyo 2 dumar ah), ayaa ka ambabaxday Zuwara 3-dii November abaare 03:00 subaxnimo. Qiyaastii lix saacadood ka dib, doonta ayaa rogmatayo oo dhammaan rakaabkii saarnaa ayaa ku daataay badda gudaheed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here