Kulan 3 bille ah oo la xiriiro Booliiska iyo wada shaqeynta bulshada oo lagu so geba-gebeeyay Degmooyinka Moqokori iyo Aden Yabaal

0
45

3-April 2025 -{HMC} Wasaaradda Amniga Gudaha ee HirShabelle oo kaashaneysa taageerada farsamo iyo mid dhaqaale oo ay bixiyeen UNDP-Japan ayaa u suurtagelisay qabashada kulamo saddex biloodle ah oo lagu qabtay degmooyinka Moqokori iyo Aden yabal iyada oo manta laso geb-gebeeyay kulanki ugu dambeeyay muddo 3 bil  ah -Janaayo-April 2025

Kulamadan ayaa la isugu keenay dhammaan qaybaha bulshada si loo abuuro madal wadatashi ah, loogana shaqeeyo dib u dhiska kalsoonida shacabka iyo hay’adaha amniga, iyadoo la horumarinayo hannaan boolis bulsheed oo ku saleysan deegaanka.

  • Kulamadan oo ay ka qeyb galeem G,uddoomiyeyaasha degmooyinka iyo mas’uuliyiinta maamulka hoose, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo cutubyada Darawiishta, Odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo culimada, Ururada bulshada rayidka ah (CSOs)  waxaaa diiradda lagu saaray  Xoojinta kalsoonida ka dhaxeysa bulshada iyo laamaha amniga, Dhisidda guddi nabadeed oo heer degmo ah oo si joogto ah ula socdo xaaladda amniga, Ku dhaqanka mabda’a boolis dimoqraadi ah iyo isla xisaabtan bulsheed iyo Dhiirrigelinta ka qeybgalka firfircoon ee bulshada rayidka ah ee arrimaha maamulka iyo nabadgelyada.

Dadka deegaanka ee Moqokori iyo Aadan Yabaal waxay si weyn u soo dhaweeyeen kulamadan, iyagoo u arkay inay astaan u yihiin soo laabashada dowladda, ilaalinta xuquuqda shacabka, iyo dib u bilaabashada dhaqan wadatashi ah oo muddo dheer hakad ku jiray. Kulamadu waxay abuureen rajo cusub iyo dareen la xiriira in codka shacabka la maqlo lagana qaybgeliyo go’aan qaadashada.

Kulamada saddex biloodle ee wadatashiga bulshada waxay noqdeen hannaan  muhiim ah oo lagu taageerayo xasilloonida, dib u dhiska dowladnimada, iyo horumar waara oo deegaanka ku saleysan. Waxaa muhiim ah in la sii xoojiyo kulamadan, lana helo taageero joogto ah oo dowladda iyo beesha caalamka ah si loo gaaro bulsho nabad ah, midaysan, oo leh adeegyo caddaaladeed iyo amni oo hufan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here