
2-April 2025 {HMC} Maxaas : Iyadoo laga jawaabayo baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka shacabka iyo laamaha amniga, Wasaaradda Amniga Gudaha ee HirShabelle iyo Taliska Booliska Gobolka Hiiraan, oo kaashaneysa taageerada UNDP-Japan, ayaa si wadajir ah u qabtay saddex kulan wadatashi oo ka dhacay degmada Mahas intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Abriil 2025.
Ujeeddada kulamadan ayaa ahayd in la dhiso jawi wadashaqeyn iyo kalsooni ku saleysan oo u dhexeeya bulshada iyo booliska, loona gogol xaaro qaab amni oo ay bulshada hoggaaminayso.
Kulamadu waxay siiyeen madal muhiim ah oo wada-tashi, qorshe wadajir ah, iyo kobcinta wada-fahamka ay yeeshaan mas’uuliyiinta degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, ururrada bulshada rayidka, iyo saraakiisha booliska.
Kulanka wuxuu ka koobnaa bandhigyo is-dhexgal ah, doodo kooxeed, ciyaaro door-ku-ciyaarid (role plays), fadhiyo qorsheyn ah iyo wacyigelin dadweyne.
Ka qeybgalayaashu waxay kasoo kala jeedeen tuulooyin kala duwan oo hoos yimaada degmada Mahas si loo xaqiijiyo metelaad dhab ah oo bulsho.
Kulamadu waxay fursad u siiyeen bulshada deegaanka in si xor ah ay u cabbiraan aragtidooda, khibradahooda, iyo xalalka ay u arkaan mid wax ku ool ah. Dadka ayaa si furan uga hadlay:
• Mas’uuliyadda wadajirka ah ee nabadda lagu gaari karo.
• Baahida loo qabo go’aan qaadasho loo dhan yahay.
• Kaalinta dhalinyarada ee ka hortagga dambiyada.
• Sida xalinta khilaafaadka dhaqanka loogu dari karo nidaamka boolisnimo ee rasmiga ah.
Kulamada wadatashiga ee ka dhacay Mahas waxay noqdeen madal horseed u ah isfaham cusub oo dhexmara bulshada iyo booliska, taas oo loo baahan yahay in la joogteeyo.
Waxaa si cad loo arkay rabitaanka bulshada ee ah in laga qeybqaato amniga, lagana qeyb galo qorsheynta horumarka deegaanka.
Waxaa lagu talinayaa in la sii xoojiyo wadashaqeynta noocan ah, lana taageero dadaallada sare loogu qaadayo kalsoonida shacabka iyo tayeynta booliska iyadoo la adeegsanayo barnaamijyo la jaanqaada xaqiiqada deegaanka.







