spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS kulan looga hadlayay xoojinta hannaanka Caafimaad ee Soomaaliya oo addis ababa ka...

kulan looga hadlayay xoojinta hannaanka Caafimaad ee Soomaaliya oo addis ababa ka dhacay

0
72

Jimco, 14-02-2025 {HMC}  Wasiirka caafimaadka & Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa kulan looga hadlayay xoojinta hannaanka Caafimaad ee Soomaaliya Magaalada Addis ababa kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Africa CDC Dr. Jean Kaseya.

Kulanka ayuu wasiirku ki booriyay Africa CDC kor u qaadida kaalinta qubarada soomaaliyeed ee jihaynta siyaasadda caafimaad ee qaarada Afrika, Xoojinta Mashaariicda caafimaad Africa CDC iyo kor-u-qaadida tababarada Howl wadeenada caafimaad ee Dalkeena.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Africa CDC ayaa bogaadiyay dadaalada lagu xoojinayo kor u qaadidda tayda Caafimaad ee Soomaaliya isagoo xusay in Africa CDC ay xoojinayso kaalinteed kaga aadan horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here