spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Kumanaan qof oo barakacayaal ah ayaa bilaabay in ay u lugeeyaan Magaalada...

Kumanaan qof oo barakacayaal ah ayaa bilaabay in ay u lugeeyaan Magaalada Gaza.

0
21

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Kumanaan qof oo barakacayaal ah ayaa bilaabay inay u lugeeyaan waqooyiga wadada al-Rashid ee ku wajahan magaalada Gaza ka dib bilawga xabad joojinta.

Waxa ay ku soo noqon doonaan waa burburkii baahsanaa ee uu ka tagay dagaalkii socday muddada labada sano ah.

Sida laga soo xigtay muqaal sawirka dayax-gacmeedka oo laga soo saaray horraantii bishan cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Gobolka Oregon, 198,883 dhismo oo ku yaalla Marinka Gaza ayaa loo maleynayaa in ay waxyeelo soo gaartay tan iyo bilowgii dagaalka.

Burburka dhismayaasha ayaa laga arki karaa guud ahaan Qaza, iyadoo magaalada Gaza ay ka mid tahay meelaha ugu daran.

Cilmi-baarayaashu waxay qiyaaseen in 74% dhismayaasha ku yaal agagaarka magaalada ugu weyn ee marinka ay u badan tahay inay waxyeelo soo gaartay tan iyo 7dii Oktoobar 2023.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here