spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Kun qof oo ku geeriyday Shilal ka dhacay Soomaaliland.

Kun qof oo ku geeriyday Shilal ka dhacay Soomaaliland.

0
27

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Wasaarada Gaadiidka iyo wadooyinka Soomaaliland ayaa soosaartay tira-koobka diiwaanka galay shantii sanno lasoo dhaafay ee la xiriira shilalka ka dhacay Deegaannada maamulkaas, waxaana lasoo bandhigay dadka dhintay, inta shil ee dhacday, dhaawaca & hantida ku burburtay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliland Cismaan Ibraahim Nuur Afgaab ayaa Warbaahinta u sheegay in 37,000 oo shil uu ka dhacay guud ahaan Deegaannada Maamulkaas, waxaa ku dhintay oo la xaqiijiyay 1,000 qof halka ay ku dhaawacmeen 25,000 oo ruux.

Hantida ku baaba’day shilalka ka dhacay ee diiwaanka Wasaaradda Gaadiidka Somaliland gashay waa $200 oo milyan oo Doollar, waxaa intaas dheer dhaawacyada qaarkood oo la dhigay Isbitaallo halka kuwo kale oo dhibaatada gaartay fududeyn guryahooda dib ugu laabteen.

Inta badan shilalka waxaa loo sababeeyaa waddooyinka oo burbursan, Wadayaasha oo si mas’uuliyad ku dheehan tahay u kaxayn Gawaarida & wacyiga Hay’adaha ku shaqada leh Nabadgalyada waddooyinka oo hooseeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here