Axad 10,August 2025 {HMC} Magaalada Columbus Gobolka Ohio Dalka Maraykanka waxaa lagu soo gabagabeeyay wajiga 1aad ee dhaqaale uruurinta loogu talagalay in lagu garab istaago qoysaska saameynta taban ku reebtay abaarta ka jirta Gobolka Awdal.
Xubno isugu jiray Culimo, Ganacsato & qaybaha kale ee Bulshada ayaa kulankaan inta uu socday ku bixiyay lacago ay ugu talagalay in ay ku garab istaagaan qoysaska dhibaateysan ee xaaladaha dhinaca nolosha ah wajahaya.
Lacagtaan ayaa la sheegay in lagu dari doonno dhaqaalaha kale ee laga soo uruurinayo Gobollada Kale ee Dalka Maraykanka oo jaaliyadda Soomaaliyeed isku qaybisay sida ay u garab istaagi karaan dadka Abaartu saameynta taban ku reebtay ee Gobolka Awdal.
Waxyaabaha ugu horreeya ee laga caawinayo dadkaan waxaa kamid ah in marka hore loo helo biyo nadiif ah oo ay cabbaan, Xoolaha kooban ee abaarta ugu badbaaday in ay u helaan Bargado ay ka waraabiyaan maadaama uu haraad darran hayo.






