Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay $76.37 milyan si loo horumariyo waddooyinka Soomaaliya, ee qaybta ka ah mashruuca Horn of Africa Corridor. Lacagta waxaa bixinaya African Development Fund iyo Transition Support Facility.
Mashruucu wuxuu casriyeynayaa waddooyin muhiim ah (Zaylac–Asha Addo 15 km, Beled Weyne–Kalabeyr 22 km), kor u qaadaya ganacsiga xuduudaha, isku xirka gobolka, iyo taageeridda bulshada iyadoo la dhisayo ceelal, suuqyo, bakhaaro, xarumo caafimaad iyo fasallo lagu barto xirfadaha.



