Lionnel Messi, Oo sheegey In Uusan Dheleyn Koobka Adduunka 2026?

0
14

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}  Kabtan Xulka Qaranka Argentina Lionnel Messi ayaa xalay Macsalaameeyay taageerayaasha xulkiisa, ciyaartoyda iyo dhammaan shaqaalaha kale ee ku lugta leh arrimaha ciyaaraha xulkaas, xaflad ka dhacday garoonka uu xulkaas ku dheelo ayuu macsalaado ku yiri.

Macsalaamaynta Messi kama dhigno in uu guud ahaan xalay ka fadhiistay xulka Qaranka Argentina balse waxa uu kulankaas u ahaa kii ugu dambeeyay ee xulkiisa kula dheelo dhulkiisa Hooyo, waxa ay tani muujineysaa in uu dheelayo Koobka Adduunka 2026 ee Maraykanka lagu qabanayo.

Koobka Adduunka kaddib ayuu Lionnel Messi si toos ah ugu dhawaaqi doonnaa in uu ka fadhiistay u ciyaarista xulkii uu u suuragaliyay in uu gacanta u geliyo Koobkii ugu dambeeyay Adduunka ee lagu qabtay Dalka Qatar sanadkii 2022.

Messi waa 38 jir, Xulka Argantine oo muddo dheer ku dhibbanaa in uu la qaado koobab  waa weyn ugu dambeyn waa u suuragashay riyooyinkaas, sanadkii 2005tii ayuu si rasmi ah u billaabay in uu u safto inkasta oo mar ka fadhiistay balse dib ugu soo noqday.

Lionnel Messi ayaa 114 gool u dhaliyay xulkiisa isaga oo saftay 194 kulan, xiddigaan ku dhashay Magaalada wayn ee Rosario waxa uu taageerayaashiisa qarankiisa u ballanqaaday in uu kusii dhinac taagaan doonno sidii xulkiisa koobab kale ku qaadi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here